Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in weriye gaara loo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Weriyahan ayaa lagu magacaabaa Cali Baashi C/llaahi Cabdi, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay warbaahinta gaarka, isgoo markii ugu horeysay ka mid ahaa weriyeyasha Telefishanka Universal xafiiskiisa Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay jahawareer ka taagnaa xiriirka Agaasinka warfaafinta madaxtooyada iyo warbaahinta ka howlgasha Muqdisho taasoo la soo bilaabatay markii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo.
Lama oga shaqada uu qabanayo weriyaha gaarka ah ee madaxweynaha, iyadoo warbaahinta kala duwan oo ay ku jirto warbaahint dowladda ay leeyihiin weriyeyaal u qaabilsan xafiisyada iyo hay’adaha dowladda.
Madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre ayaa lahaa weriye gaara oo ka tirsan Radio Muqdisho, balse waa markii ugu horeysay ee madaxweyne loo sameeyo weriye aan ka mid ahayn weriyeyaasha warbaahinta Qaranka.
Goobjooge.com