Tuesday, June 24, 2025

Weriye Caan ah oo ka mida Maxaabiista ay Itoobiya ku wareejineyso Ra’iisal Wasaare Kheyre

Dowladda Itoobiya ayaa sii deysay maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalkaasi, loona heystay dembiyo kala duwan.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis dhex maray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sida uu shaaciyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo magaalada Adis ababa uga qeyb galaya shirka Midowga Afrika.

120 maxbuus oo uu ka mid yahay Weriyaha caanka ah ee Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) ayaa la sheegay in Itoobiya ay ku wareejineyso dowladda Federaalka iyadoo laga dejin doono magaalada Muqdisho.


Weriye Boqorka Bartamaha ayaa muddo sanado ah ku xirnaa dalka Itoobiya, waxaana dadaallo hore lagu doonayay in lagu sii daayo ay noqdeen kuwo natiijo la’aan ah.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON