Weriye Mowliid Xaaji Cabdi oo ka mid ahaa saxaafiyiinta Soomaalida ee muddooyinkii dambe ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu biiray Idaacadda BBC-da laanteeda Soomaaliga.
Weriyahan ayaa hore uga soo shaqeeyay Puntland isagoo sanado dhowr ah ahaa agaasimaha Idaacadda SBC ee magaalada Boosaaso, isla markaana saxafiyiinta degan UK .
Waxaa weriyaha laga maqlay isagoo ka qeyb galaya barnaamijkii Ciyaaraha ee Sabtida shalay ka baxay Idaacada BBC-da, waxaana la xaqiijiyay inuu si rasmi ah ugu biiray BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga oo muddooyinkii danbe weriyeyaal badan ay ka tageen, isla markaana sumcadeeda hoos u sii dhaceysay gudaha Soomaaliya.
Loolanka adag ee u dhaxeeya Laamaha afka Soomaaliga ee BBC-da iyo VOA ayaa muddooyinkii dambe u muuqday mid ay ku guuleysatay VOA-da oo weriyeyaal fara badan ay ku leedahay gudaha Soomaaliya, halka BBC-da ay weriyeyaasheeda u bateen Soomaalida Kenya.
Goobjooge.com