Monday, August 4, 2025

Weriye Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho & Ninkii dilka geystay oo ciidamada Amniga..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa la dilay weriye ka howlgeli jiray caasimadda.

Dilka weriye Saciid Yuusuf Cali oo ka dhacay xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodon ayaa la sheegay inuu geystay Nin Mindi sitay, mana cadda sababta u u dilay iyo waxa kala dhaxeeyay, isagoo u geeriyooday dhaawaca Toorey uu afar jeer ku dhuftay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay qabteen ninkii dilka u geystay Allaha u naxariistee weriye Siciid Yuusuf.

Weriye Siciid Yuusuf ayaa la shaqeyn jiray Telefishanka Kalsan TV, isagoo ka mid ahaa saxafiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON