Weriye Cali Aadan Muumin oo ka mida weriyeyaasha magaalada Muqdisho, maantana ay xireen ciidamada Booliska xilli uu ku sugnaa Isgoyska KM 4 oo bannaanbax ka socday ayaa sheegay in jirdil uu u geystay taliyaha ciidamada Booliska degmada Howlwadaag Shuceyb Cabdi Maxamed, isla markaana uua aflagaado shaqsi ah u geystay.
Isagoo wareysi siiyey Telefishanka Somali Cable ayuu sheegay in lagu xiray saldhigga degmada Howlwadaag, isaga iyo weriyeyaal kale, kadibna markii ay saacado xirnaayeen oo uu si xun ula hadlay, kadibna uu soo daayey guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish), wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda iyo taliska Booliska inay taliyahaasi ka hor wareejiyaan dadka.
Mar la weydiiyey waxa ay ciidamada dowladda u bar tilmaameedsadaan, uguna eedeeyaan inuu qaraxyada tebiyo ama buunbuuniyo ayuu sheegay inay dowladdu jeceshahay isaga oo markii ay is arkeen madaxda dowladda ay ku bogaadiyaan howshiisa. “Dowladu aniga waa i jeceshahay, waxay ii bartilmaameedsaneyso waa sidaas..” ayuu yiri Weriye Cali Muumin oo ka mida weriyeyaasha caanka ka ah baraha bulshada.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA