Saturday, July 5, 2025

Weriye Hindiya Xaaji oo u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray qarax loogu xiray Gaarigeeda

 Weriye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid ah Wariyeyaasha Raadiyaha dowladda ee  Radio Muqdisho iyo telefishanka SNTV oo  maanta ku dhaawac culus kasoo gaaray arax loogu xiray gaarigeeda, xilli ay ka soo baxday Jaamacad Somalia ee agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho oo ay dhigeyneysay ayaa goor dhoweyd u geeriyootay qaraxaasi.

Qaraxa uu waxyeelo culus ka gaarsiiyay lugaha iyo qeybta hoose ee jirkeeda,  Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ka mid ahaa gabdhaha wariyeyaasha ee ka howl gala Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ee SNTV, waxaana hore kooxda Alshabaab  ay qarax ugu dileen weriye Liibaan Cali Nuur oo ahaa saygeeda.

Bahda Goobjooge.com waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed . Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON