Weriyihii labaad oo ruugcaddaa ah ayaa ka tegaya idaacadda BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga oo shaqadeeda oo dhan loo soo wareejinayo xarunteeda cusub ee magaalada Nairobi, dalka Kenya.
Axmed Cabdinuur oo BBC-da ku soo biiray June, 1996 ayaa markii hore noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga u jooga magaalada Muqdisho. Waxaana markii danbe uu wareegay magaalada London, isagoo ka mid ahaa weriyeyaashii ugu caansanaa ee muddooyinkii danbe soo mara BBC-da.
BBC-da ayaa fasaxday shaqaalihii fadhigoodu ahaa magaalada London marka laga reebo kuwa ka howlgala TV-ga, waxayna shaqaalaha la fasaxay yihiin weriyeyaashii ugu khibradda badnaa, waxaana howsha la wareeegaya dhalinyaro ka howlgaleysa magaalada Nairobi oo BBC-du ay ka furatay xarun weyn, iyadoo BBC-da ay maalgeliso dowladda UK.
”Waqti adag ayay ahayd, waayo magaaladu waxay u qaybsanayd woqooyi iyo koonfur ay kala xukumayeen hoggaamiye-kooxeedyo aad isaga soo horjeeday. Dalkana sharci iyo kala dambayn kama jirin waqtigaas, BBC-duna waxay ahayd isha keliya ee laga heli karo warar Soomaaliyeed oo sax ah”. ayuu BBC-da u sheegay Weriye Axmed Cabdi Nuur.
Weriye Axmed C/nuur ayaa sanadkii 2000 u wareegay magaalada London, kadib markii uu kasoo shaqeeyay xafiisyada BBC-da ee Muqdisho iyo Nairobi, wuxuuna sheegay in London ay shaqaale yari ba’an ka jirtay xilligaasi.
Axmed Cabdinur ayaa BBC-da Laanteeda Afsoomaaliga la shaqeynayey ku dhowaad muddo 25-sano ah, waxaana isla shalay la shaaciyey inuu shaqada BBC-da ka tegay weriyaha kale ee caanka ah C/Nuur Sheekh Maxamed Isxaaq.
Ma cadda in BBC-da ay heli doonto weriyeyaal u dhigma khabiiradda saxaafadeed ee shaqada laga fasaxay, iyadoo dhalinyaro badan laga shaqaaleysiiyay xafiiska Nairobi.