Tuesday, June 24, 2025

Weriye lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladiisa…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox dabley ah ay weerar ku dhaawaceen weriye ka howlgala caasimadda.

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafadda Sey Biyaano, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dhaawacay Weriye Cabdifitaax Cabduqaadir Shariif oo ka tirsan Radio Danan, iyadoo dhaawac kasoo gaaray rasaas madaxa ka haleeshay.

Weriyaha ayaa loola cararray Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasoo xaaladiisa lagula tacaalayo, isla markaana qalliin lagu sameeyay, waxaana la xaqiijiyey inay xaaladiisa fiican tahay.

Lama oga sababta loo weerarray weriyaha, waxaana la sheegay iuu ku dhaawacmay kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay Mooto Bajaaj uu la socday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON