Monday, August 4, 2025

Weriye lagu dilay dagaalka maanta ee Magaalada Gaalkacyo

Weriye ka tirsan saxafiyiinta ka howlgala magaalada ayaa u dhintay  dhaawac ka soo gaaray dagaalkii maanta.

Allaha unaxariistee Weriye Mahad Cali Maxamed oo ka mid ahaa shaqaalaha Idaacadda Codka-Mudug ayaa dhaawac ka soo gaaray dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ugu geeriyooday isbitaal ku yaala koonfurta Gaalkacyo.

Agaasimaha Idaacadda Codka-Mudug Hanad Maxamed Faarax ayaa xaqiijiyay geerida weriyaha oo dhaawac culus markii hore gaaray madaxa kadib markii rasaas wiifto ah ay heleeshay.

Dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa dagaalkii labadii bilood ee ugu danbeysay ka dhacayay magaaladaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON