Monday, July 14, 2025

Weriye Macalimuu oo loo doortay Xoghayaha Guud ee ururka FESOJ & NUSOJ oo isu bedeshay Federal

Doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen qaar ka mida saxafiyiinta Soomaalida ayaa goor dhoweyd waxaa Mudane Maxamed Ibraahim Nuur Macalimuu loogu doortay xoghayaha guud ee Isutagga Saxafiyinta Soomaaliyeed FESOJ.

Macalimuu oo hore u ahaa Xoghayaha ururka NUSOJ ayaa hadda magaca laga bedelay, waxaana loo bixiyey FESOJ (Federation of Somali Journalists), iyadoo ururkii hore ee NUSOJ la sheegay in loo bedelay Federation si uu ula jaanqaado Federaalka Soomaaliya qaadatay.

Waxaa Maxamed Ibraahim Macalimuu xilka kula tartamay, laakiin sheegay inuu tanaasulay Amiin Yuusuf Khasaaro, waxayna doorashada ururka weli ka socodaa Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ururka NUSOJ oo laba garab u kala jabsanaa ayaa mid ka mida labadii garab ka guurtay magacaasi, waxaana ku haray Cumar Faaruuq oo muddo dheer ururka gacanta ku hayey, isagoo aan wax doorasho ah gelin, waxaan sii kordhaya ururrada saxafiyiinta ee ay sameysanayaan kooxo saxafiyiin ah oo is barbar socda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON