Friday, June 27, 2025

Weriye Muuse Coldoon oo loo gacan geliyay Ciidamada Federaalka Itoobiya & Wararkii ugu danbeeyay

Weriyaha caanka ah ee C/maalik Muuse Coldoon oo jimcihii lagu xiray magaalada Gaashaamo ee maamulka Somali State ayaa la sheegay in loo gacan geliyey ciidamada Federaalka Itoobiya.

Muuse Coldoon ayaa ku sugnaa Magaalada Jigjiga isagoo halkaasi ka sameeyay barnaamijyo ku saabsan  tacadiyadii loo geystay Soomaalida degan Itoobiya ee ay kula kaceen maamulladii hore ee Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in Weriye Coldoon laga qabtay goob uu ku wareysaneyay dad shacab ah isaga iyo saddex weriye oo la socday, waxaana lagu xiray Liyu Police, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in loo gacan geliyay ciidamada Milateriga Itoobiya.

Goobjoogeyaal ugu tegay xerada ciidamada ee lagu xiray ayaa sheegay in xarigiisa uu ka danbeeyay nin ka mid ahaa maamulkii Cabdi Iley oo magaciisa lagu sheegay Axmed Koore, kaasoo u abaabulay dembi ah inuu Weriye Muuse Coldoon uu ka shaqeynayo iska hor keenka dowladda Itoobiya iyo dadka shacabka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON