Madaxtooyada Galmudug ayaa saxafiyiinta ku sugan magaalada Cadaado ka mamnuucay inay tebiyaan wararka lidka ku ah madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle oo xildhibaano ka tirsan Galmudug ay xilka ka qaadeen.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug ayaa si toos ah ugu amartay warbaahinta ka howlgasha degaanada Maamulkaas inaysan tebin karin wararka lidka ku ah Maamulka Galmudug ee Xaaf taabacsan.
Weriyeyaasha ka howlgala magaalada Cadaadoo oo maanta looga yeeray Xarunta Madaxtooyada ayaa loogu sheegay amarkan soo baxay oo daba socdaa amarkii Madaxwaynaha Galmudug ee 30/9/2017 kaas oo Xaalad deg deg ah oo mudo Sadex Bil ah Dhamaan deegaanada Maamulka Madaxwayne Xaaf.
Warbaahinta Cadaado ku sugan ayaa wixii warar ah kaliya kala xiriiri karta Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Mohamed Cabdi Adan. waxaana weriyeyaasha ay arrintan ku tilmaameen xabsi la gelinayo shaqadooda.