Tuesday, June 24, 2025

WFP oo shaki ka muujisay Raashin dhacay oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Hay’adda Cuntada Adduunka u qaabilsan Q/Midoobay ee WFP ayaa war kasoo saartay Kiiska loo qabtay diyaarad ay Hay’adaasi lahayd oo siday Raashin dhacay laguna qabtay shalay garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Madaxa Xiriirka Hay’adda WFP ee Somalia Layla Cali ayaa sheegtay  inaysan aaminsaneyn in WFP raashin dhacay ku heyso Muqdisho, basle ay hubinayaan in raashinka u keydsan WFP aan si aan wanaagsan loo keydin, taasoo laga yaabo bay tiri inay ku keentay waxyeelo.

“Mmuhiimadeenna koowaad waa in dadka aan caawinno aannu siinno raashin tayo leh oo bed qaba. Waxaanan sameynaa wax walba oo aanu ku hubinayno tayada raashinka aan gargaarka u bixinayno,” ayay tiri Leylo Cali oo warbaahinta dowlada Soomaaliya ay soo xigatay.

Shalay ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay raashin muddo laba sano ka hor  dhacay, kaasoo loo waday Gobolka Gedo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON