Monday, June 23, 2025

WHO oo Digniin culus kasoo saaray jiritaanka Cudurka Coronavirus & 300-kun oo ugu dhintay…

Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Cudurka Covid-19 uu noqon doono cudur aan dunida ka dhammaan oo lagu qasbanaan doono in lala noolaado.

Madaxa xaaladaha degdegga ah ee Hay’adda WHO Dr. Mike Ryan ayaa ka digay in cudurka la sii saadaaliyo inuu idlaan doono, wuxuuna sheegay haddii Tallaal loo helo in loo baahan yahay dadaal weyn oo loog hortago cudurka.

Cudurka Covid-19 ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay dunida oo dhan, waxaana hadda u geeriyooday dad sii gaaraya 300,000 qof, waxaana dadka uu hayo ay ka badan yihiin 4.3 Milyan oo qof.

Ad

In tallaal loo helo Coronavirus ayaa qaadan doonta muddo ilaa sanad ah, xilli laga cabsi qabo inuu cudurka kusoo laba kacleeyo dalalka uu ka bilowday sida Shiinaha oo lagu arkay kiisas cusub markii muddo bil ah aysan jirin wax kiisas ah.

Dhinaca kale daraasad laga sameeyay dalka Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in hadalka lagu kala qaadi karo cudurka Covid-19, iyadoo markii hore la ogaa in qufaca iyo hindisyada lagu kala qaado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON