Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa wiil dhalinyaro ah u magacaabay Agaasimaha Isbitaalka Booliska ee Madina.
Wareegto uu soo saaray Taliyaha Booliska ayaa xilka looga qaaday agaasimihii caanka ahaa Dr. Maxamed Yuusuf Xasan oo dheer madax ka ahaa isbitaalkaasi, waxaana loo magacaabay Haashim Maxamed Faarax oo ah wiil dhalinyaro ah oo da’diisu tahay 28 sano jir.
Wiilkan ayaa sanadkii 1992 ku dhashay dalka Canada, waxaana isla dalkaasi wax ku bartay, wuxuuna warbasho u tegay dalka China, isagoo ka qalin jebiyay Jaamacadda Huazhong University sanadkii 2014, kadibna wuxuu magaalada Muqdisho ka galay Jaamacadda Banaadir.
Isbitaalka Madiina ayaa hoos-taga Taliska Ciidanka Booliska, waana isbitaal dadweyne oo ay taageeraan hay’ado caalami ah, inkastoo adeeggiisa aanu casri ahayn.
Magacaabiddan ayaa imaaneysa iyadoo dalka xaalad kala guur ah ku jiro, isla markaana xukuumadii hore ay dhacday, weliba aan la magacaabin Ra’iisal wasaare cusub, lamana oga in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wax ka ogeyd magacaabidda xilkan, sidoo kale qoraalka laguma xusin Wasaaradda Caafimaadka.
Akhriso wareegtada:
