Waxaa caasimadda Muqdisho kusoo kordhaya falalka adfuub ah oo lagula kacayo caruur iyo dhalinyaro da’ yar, iyadoo xaafadaha qaarkood ay ka kaceen kooxo guryaha ugu dhacda dadka ama wadooyinka ku dhaca.
Falalkan ayaa keenay in dad dhowr ah loo dilo dhac la isku dayey in loo geysto markii ay iska caabiyeen burcadda, waxaa kaloo lasoo weriyey afduub caruur ay kooxo abaabulan ka sameynayaan magaalada, iyadoo falalkan ay cabsi weyn geliyeen dadka magaalada.
Kiiskii ugu danbeeyay ayaa shalay ka dhacay xaafada Cali Kamiin, ee Degmada Wardhiigley markii koox wadatay Mooto Bajaaj ay afduubteen wiil 11 sano jir oo salaadii subax tagay, xilligii uu kasoo laabtay, kaasoo si la yaab leh uga badbaaday kooxdii afduubatay.
Wiilkan oo lagu magacaabo Cabbaas ayey xoog ku kaxeysteen kooxdaasi, waxaase dhacday iyagoo wata in Gaari ay wateen ciidamo uu riday rasaas jid furasho ay riday, kadibna ay u qaateen in lagu daba jiro oo ay wiilkii iska dejiyeen, kana cararreen.
Hooyada dhashay wiilka oo lagu magacaabo Xabiibo Maxamed Nuur ayaa sheegtay in wiilkeeda ay dad muslim ah ka heleen iyadoo lagu hayey xaafadda Iskuul Polizia, halkaasoo markii ay tageen ay kasoo heleen.
HOOS KA DHAGEYSO HOOYADIIS OO KA HADLEYSA QISADAN