Wednesday, June 25, 2025

Wiil uu dhalay Donald Trump oo ku lug yeeshay Kiiska Ruushka ee Doorashadii Mareykanka

Wiilka curadka ah ee Donald Trump ayaa ku lug yeeshay kiiska ku saabsan kaalintii Ruushku ku lahaa doorashadii Mareykanka.

Xog uu faafiyay  wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay wiilka curadka ah ee Trump uu qeyb ka ahaa dadaal ay dowladda Ruushka ku caawinaysay  aabihii xilligii ololaha doorashada ee aabihii.

Kulan uu wiilka ka qeyb galay waxaa qabanqaabiyay Rob Goldstoneiyadoo la qbatay bishii Juun 2016, ayaa sida uu ku sheegay email uu shaaciyay wargeyska.

Kulanka oo la rumaysan yahay inuu ahaa kii ugu horreeyay ee dhexmara muwaadin Ruush ah iyo shakhsiyaadka aadka ugu dhaw madaxweynaha, ayaa ka dhacay dabaqa uu Trump ku leeyahay New York, iyadoo xilligaasi labo toddobaad ka hor uu Donald Trump ku guulaystay musharraxnimada xisbiga Jamhuuriga.

Wiilka oo lagu magacaabo Donald John Trump Jr ayaa qiray in kulankaasi uu dhacay, balse wuxuu ku dooday in macluumaadka ay haweeyneydaasi siisay aanu ahayn mid waxtar leh, ama xog xasaasi ah watay.

Wuxuu intaa ku daray in markii dambe ay kala hadashay arrin taa ka duwan oo ah sida carruurta Ruushka ay ula soo wareegi karaan una korsan karaan qoysaska Maraykanka ah.

Afhayeen u hadlay garyaqaannada madaxweyne Trump ayaa sheegay in madaxweynaha uusan ka war qabin isla markaana aanu ka qeyb galin kulankaasi

Guddi ka tirsan Congress-ka Maraykanka iyo dacwad ooge gaar ah ayaa baaritaan ku haya in kooxdii doorashada Trump iyo Ruushka uu xiriir ka dhexeeyay ka hor doorashadii 2016.

Baaritaannada ayaan weli soo bandhigin wax caddeyn ah, madaxweyne Trump-na wuxuu marar badan beeniyay inuu Ruushka gacan ka helay markii uu u tartamayay madaxtinnimada Maraykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON