Cabdiweli Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa maanta loo dhaariyay xilka xildhibaannimo ee uu aabihii ka geeriyooday dhowaan kadib markii odayaasha jufada Xaabsade ka soo jeeday ay u saxiixeen inuu buuxiyo booska aabihii.
Arrinta dhaxalka siyaasadeed ee xilalka Baarlamaanka kula wareegayaan wiilasha marka ay aabayaashood shaqada ka fariistaan ama geeriyoodaan ayaa caadi ka noqotay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sidan oo kale xildhibaaida aabayaashood uga dhaxlay wiilal ay dhaleen Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Qanyare Afrax iyo xubno kale.
Waxaa kaloo baarlamaanka ka dhacday in qaar xilalka baneeyay ay dib ugu soo laabtaan markii ay doonaan. Xilka Baarlamaanka ayaa u baahan inay odayaasha dhaqanka jufadaasi qoraal saxiixan u gudbiyaan guddoonka Baarlamaanka, kadib markii xilkaasi banaanaado.
Muqdisho
Goobjooge.com