Xildhibaanno hore u ahaa wasiiro oo iska waayay liiskii ugu danbeeyay golaha wasiirada ayaa maanta hor istaagay in cod loo qaado lana ansixiyo sharci muhiim ah oo Baaralmaanka muddo hor yiilay kaasoo saameyn weyn ku leh hiigsiga cusub ee 2016-da.
Hindie sharciyeedka Guddiga Doorashooyinka oo muddo saddex jeer ah laga akhriyay Baarlamaanka, isla markaana isbedel lagu sameeyay oo soo maray heerarkii kala duwanaa ee hindise sharciyeedyada, laguna waday in maanta cod loo qaado ayaa dib loo dhigay kadib markii xubno uu hormuud u yahay Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre talo ku soo jeediyay.
[ad name=”HTML-2″]
Arrintan ayaa buuq ka dhex dhalisay shirkii maanta ee Baarlamaanka, waxaana xildhibaanada in dib loo dhigo ololaha ugu jiray ka mid ahaa Khadiija Maxamed Diiriye iyo kuwo kale, waxaana markii dambe suuragal noqotay in dib loo dhigo ansixinta hindise sharciyeedkaasi iyadoo wax sabab cad ah aan la sheegin.
Ilo xildhibaanada ku dhow ayaa Goobjooge.com u sheegay in sababta dib loogu dhigay ansixinta sharcigan uu yahay cabsi xildhibaanada qaarkood ka qabaan in guddiga doorashooyinka ay iska magacawdaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ama madaxweynaha takri fal ku sameeyo.
Sharcigan oo noqon lahaa tallaabo weyn oo hore loo qaaday kana mida shaqada weyn ee Golaha Baarlamaanka qabtay ayaa lagu wadaa in la ansixiyo Sabtida. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gabagabadii shirkii maanta ee Baarlamaanka ka hadlay ayaa si cad u sheegay inaysan sharci ahayn is hortaag lagu sameeyo cod u qaadista hindise sharciyeed waqtigii ugu danbeeya taagan. wxuuuna si kulul ugu sheegay xildhibaanada inuusan aqbali doonin Sabtida wax aan ka ahayn in cod loo qaado.
Guddoomiye Jawaari wuxuu sheegay in Hindise sharciyeeda guddiga doorashada uu yahay mid muhiimad weyn ugu fadhiya dowladnimada iyo hiigsiga cusub. Xildhibaankii fikrad ama talo soo jeedin qaba ayuu sheegay inay weli u furan tahay inuu soo gudbiyo iyadoo qoraal ah; wuxuuse ku adkeystay in Sabtida cod loo qaadi doono.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]