Baaritaankii Hay’adda denbi baarista Mareykanka ee FBI ayaa soo gaaray wiilka uu sodogga yahay madaxweynaha Mareykanka Jared Kushner oo la-taliye u ah Donald Trump.
Wargesyka Washington Post iyo Telefishan-ka NBC News ayaa Khamiistii ku warramay in Hey’adda Danbi-baabirsta Mareykanka ee IFB-da ay baareyso suurtagalnimada xiriir dhexmaray wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner iyo Dowladda Ruushka.
Diirad saaridda FBI-da ee kiiska Kushner ayaa la sheegayaa inaysan macnaheedu aheyn in uu yahay qof lagu tuhmayo danbi ama qeyb ka ahay baaritaanka weyn ee ay FBI-du ku waddo dadka looga shakinsanyahay in ay xiriir la sameeyeen Ruush-ka intii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sanadki hore.
Wargeyska Washington Port ayaa sheegay in baarayaasha ay eegayaan kulamo uu dhamaadki sanadki hore Kushner la qaatay safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka Sergey Kislyak iyo nin agaasime ka ah Banki laga leeyahay Russia.
Warkaan ayaa kusoo beegmaya laba todobaad kadib marki uu madaxweyne Trump shaqada ka eryey madaxii hore ee FBI-da James Comey, oo mas,uul ka ahaa baaritaanka hadda socda ee la xiriira faragelinta Ruushka ee arrimaha Mareykanka.