Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa galabta ku dhintay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay inay rasaas uga fakatay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Dhalinyarradan ayaa u daawasho tegay ciyaar kubadda cagta ah oo ka socotay garoon xaafadeed ku yaalla dugsiga Dhamme Yaasiin ee degmadaasi, waxaana dhacdada naxdinta leh ay timid markii ciyaar dhex mareysay laba dugsi ay wiilashan isku dayeen inaylacag la’aan ku galaan.
Ciidamo maamulka goobta u keenay sugidda ammaanka kadib buuq iyo fowdo ka dhacay ciyaaro hore ayaa labada wiil oo da’doodu tahay 15 sano jir ahayd rasaas uga fakatay markii askri ay murmeen tasoo keentay inay goobta ku geeriyoodaan.
Dilka dhalinyarada kadib waxaa goobta tegay ciidamo iyo dadweyne fara badan, waxaana geerida wiilsha si weyn uga naxay waalidiinta iyo dadka degaanka.
Goobjooge.com