Bandhigga weyn ee Teknofest oo Turkiga lagu soo bandhigo Qalabka Tiknologiyada ee diyaaraduhu ka mid yihiin ayaa lagu casuumay wiilka Soomaaliyeed ee Guuleed Cabdi oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ay geysay dalka Turkiga si loo siiyo waxbarasho, kadib markii uu sameeyay diyaarado macmal ah.
Guuleed oo 17 sano jir Soomaali, kuna noolaa magaalada Buuhoodle ayaa soo jiitay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa Guuleed marii uu baraha bulshada ka arkay qalabka macmalka ah ee uu sameeyay, kadibna wuxuu ugu deeqay waxbrash iyo in la geeyo Turkiga oo uu hadda ku sugan yahay.
Guuleed ayaa markii uu arkay bandhigga weyn ee Teknofast waxay warbaahinta Turkiga kasoo xigatay inuusan weligiis hore u helin bandhiggaas oo oo kale. “Waxaan doonayaa inaan aasaaso shirkad diyaaradaha ah oo mustaqbalka soo saarta diyaarado,” ayuuna yiri.
Wuxuu sidoo kale booqan doonaa shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas. Bandhiggan oo ka bilowday gobolka Gaziantep ee dalka Turkiga ayaa shalay la soo gabagabeeyay.


