Wednesday, June 25, 2025

Wiilkii Ukunta ku weerarray xildhibaanka Cunsuriga ah ee Australia oo Caan baxay [Sawirro]

Waxaa si weyn warbaahinta dunida u qabsaday wiil Australian ah oo Ukun ku weerarray xildhibaan xagjir ah oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Mr. Fraser Anning, kaasoo muslimiinta dusha ka saaray falkii lagu laayey ee ka dhacay masjidyadii ku yaallay dalka New Zealand.

Wiilkan oo lagu magacaabo Will Connolly, ahna 17 sano jir ayaa si weyn ugu soo caan baxay muddo kooban, waxaana taageeray dad fara badan oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaaraha Australia, wuxuuna ka hor yimid xildhibaanka ku hadlay hadallada cunsuriyadda ee Senetor Freser.

Senetar Freser oo warbaahinta kala hadlayey xasuuqii foosha xumaa ee loo geystay muslimiinti Newzealand ayaa yiri: “Dhibaatada dhacday waxaa sabab u ah dadka soo galootiga ah ee ku soo qulqulaya Newzeland iyo Australia..”.

Wiilkan yar oo hadalka Senetarka si weyn uga xumaaday ayaa ukun quruntay madaxa kaga jabiyey senatorka, taasoo jirkiisa oo dhan ku daadatay, kadibna waxaa la arkayey askar garba-duub u xirtay willka xabsiga u taxaabay.

Wiilkan ayaa diiday inuu ka xun yahay falkii uu sameeyay, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay tallaabadii uu ku sameeyay senator-ka taageera kooxaha cunsuriga ah.

Will Connolly waxaa baraha bulshada lagu tilmaamay Geesi, isagoo sumcad iyo magac aanu weligii ku fekerin ku helay Ukuntii uu ku weeraray xildhibaanka xag-jirka ah. Baraha bulshada ayaa u bixiyey magaca ‘Egg Boy- wiilkii ukunta’. Akaawn bangi oo wiilkaasi magaciisa lagu furayna waxaa saacada gudahood taageerayaashiisa ay u soo geliyeen $25,000 oo doolar.

Wuxuu sameystay bog Twitter ah, isagoo mudo kooban ku helay taageerayaal ka badan 240,000, laakiin waxaa boggaasi hawada ka saartay shirkadda twitter-ka.

Will Connolly
Will Connolly
Will Connolly
Will Connolly
Will Connolly
Will Connolly
Will Connolly

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON