Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa si cad u sheegay inuu ka badbaaday qorshe Dowladda Federalka ay ku dooneysay inay inay gacanta ku dhigto oo lagu xiro.
ISagoo ka hadlayay shirka magaalada Kismaayo ayuu Axmed Ducaalle Geelle ka sheegay in Dowladda Federaalka ay u soo dirtay ciidan isugu jira Nabad Suggid iyo Militari oo lagu amray inay gacanta ku soo dhigaan isaga, balse uu iska difaacay.
Wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka shaqeyso xasiloonida Siyaasadeed ee dalka, oo aysan ku mashquulin dagaal ay la gasho maamul goboleedyada.

DHAGEYSO