Monday, June 23, 2025

Xaaf oo la wareegay Guddoomiyenimada Golaha Iskaashiga Maamul Goboleeyda [Yaa kusoo haray..?]

Madaxweynaha maamulka Galmudug ee xilkiisa la isku heysto Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa la wareegay guddoomiyenimada Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada.

Qoraal ay maanta soo saareen Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa waxaa ku saxiixnaa Golaha Aqalka Sare ee khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf oo lagu qoray inu yahay guddoomyaha Golahaasi.

Shirkii Golaha ee magaalada Garowe ayaa lagu doortay inuu madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu noqdo guddoomiyaha Golahaasi, iyadoo Xaaf loo magacabaay guddoomiye ku xigeen, laakiin markii uu iscasilay Sahriif Xasan ayaa waxa muuqata inuu xilkaasi la wareegay Xaaf.

Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa waxaa hadda ku soo haray saddex madaxweyne maamul Goboleed oo laba ka mida xaaladoodu liidato. Madaxweyne Gaas oo xilkiisu ku dhammaanayo Sanadkan iyo Xaaf oo maamulkiisa Galmudug laba madaxweyne leeyahay.

AKHRISO WAR-MURTIYEED

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON