Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goor dhoweyd gaaray magaalada Kismaayo ayaa ayaa si yaab leh loogu soo dhoweeyay halkaasi iyadoo soo dhoweyntiisa uu ka qeyb galay madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan.
Xaaf oo kasoo duulay magaalada Cadaado ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Xildhibaano, wasiiro iyo xubno kale, waxayna soo dhoweyntiisa ka duwaneyd soo dhoweynta madaxda kale, isagoo khilaaf weyn kala dhaxeeyo dowladda Federaalka.
Arrintan ayaa loo arkaa inay calaamad u tahay sida shirka Kismaayo halis ugu yahay dowladda Federaalka, waxaana Shariif Xasan uu farriin u diray madaxda dowladda Federaalka.
SAWIRRO