Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray ku soo bandhigay magacyada xubno isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan labada Gole oo faragelin ku haya maamulka Galmudug.
Wuxuu ku eedeeyay xubno ay ka mid yihiin Wasiir Axmed Qoorqoor, Xildhiban Xuseen Iidow, Cabdi Axmed Dhagdheer iyo Yuusuf Geelle inay waqti iyo hanti gelinayaan sidii ay burburin lahaayeen maamulka Galmudug.
Wuxuu sheegay wixii dhibaato ah ee ka dhaca Galmudug inay qaadeyso dowladda Federalka Soomaaliya, isagoo baaq u diray Beesha Caalamka.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA