Madaxweynaha waqtigiisa xilka uu dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo hadal ka jeediyey magaalada Hobyo ayaa dhaliilay shirka dib u heshiisiinta ee dowladda Somalia qabanqaabisay, kaasoo la filayo inuu dhowaan ka furmo magaalada Dhuusmareeb.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in waxa ay dowladda Federaalka ka wado magaalada Dhuusamareeb inaysan ahayn dib u heshiisiin ee ay tahay seminaar, wuxuuna caddeeyay inuu dowladda Somalia ay la hadleen markii uu kasoo tegay Dhuusamareeb, kuna soo dhoweeyay inay dowladdu isu geysto Cadaado iyo Dhuusamareeb iyo galmudug oo dahn
“Dowladda federaalka howshii markii ay qabtay.. run ahaantii saluug badan ayaa jira maanta oo uu ugu danbeeyay warkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Somalia… Galmudug ma dhiman.. madaxdiisii, xildhibaannadiisii iyo wasiiradiisii waa joogaan oo cidlo maaha.. haddii wax la dhisayo waxaan rabnaa inaan ka noqono udub dhexaad..” ayuu yiri Xaaf oo sheegay in sanad kasta ay lacag badan ku baxdo dib u heshiisiin, iyadoo laga dhigayo seminaar.
Xaaf ayaa sheegay inloo baahan yahay dib u heshiisiin dhab ah oo la isku furo magaalooyinka oo dhan, ee aysan dib u heshiisiintu ahayn seminaar iyo NGo, wuxuuna ugu baaqay inay beelaha Galmudug ka qeyb galaan dib u heshiisiinta ka furan Hobyo, isagoo ku tilmaamay beesha H/Gidir inay hormuud u tahay Galmudug.