Madaxweynaha Galmudug ee qaar ka mida xildhibaannada maamulkaasi ay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle ayaa dib ugu laabtay magaalada Cadaado.
Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka oo ka tirsan garabka Xaaf, wasiiro iyo xildhibaano, wuxuuna Garoonka ka sheegay inuu kasoo qeybgalay shirkii Kismaayo oo uu ku tilmaamay inuu taariikhi ahaa.
“Waxaan kasoo qeyb galnay shirkii taariikhiga ahaa ee Kismaayo, wixii kasoo baxay waxaan rajeynayaa in umadda Soomaaliyeed Alle ku badbaadiyo…” ayuu yiri Axmed Ducaale Xaaf oo sheegay in loo baahan yahay in magaalada Cadaado ay sidii hore ku soo laaabto musiibada ka dhex saaro sida uu yiri.
SAWIRRO