Maamulka Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xaafad ka mida degmadaasi laga abaabulo weerarada qorsheysan ee ka dhaca degmadaasi.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Degmada Dharkenley Daa’uud C/lle Nuur ayaa sheegay in xaafadda Salaama ee degmadiisa ka tirsan oo ah xaafad isku rarran ah ay tahay goobta laga soo abaabulo dilalka qorsheysan ee lagu khaarijiyay mas’uuliyiinta dowladda iuo dad badan oo kale.
Dhinac kale Guddoomiye xigeenka Dharkeynley wuxuu sheegay inay jiraan dad qabtay dilkii agaasimihii kormeerka degmooyinka Gobolka Banaadir C/llaahi Ibraahin Nuur, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falkaasi dilka ah.
Wuxuu intaas ku daray inay dadkaasi ku socoto baaris, iyadoo ciddii ay ku caddaato falkaasi sharciga la hor keeni doono.
Goobjooge.com