Waxaa sii kordhaya dadka ku dhintay shilkii weynaa ee Jimcihii hore ka dhacay Xaramka magaalada Maka Almukarama ee dalka Sacuudiga iyadoo la aqoonsaday dalalka ay ka soo kala jeedaan xujeyda shilkaasi ku shahiiday.
Waxaa markii ugu horeysay la xaqiijiyay in qof Soomaali ah oo ka mid ahaa xujeyda uu ku geeriyooday shilka Maka, waxaana dadka dhintay oo tiradoodu gaartay 107, inta ilaa hadda la caddeeyay dalalka ay kasoo kala jeedaan waxay kala yihiin:
- Iiraan 25
- Bangladesh 25
- Masar 23
- Pakistan 15
- India 10
- Malaysiya 6
- Somalia 1
- Algeria 1
- Afghanistan 1
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]