Monday, July 14, 2025

Xaalad halis ah oo ka dhalatay bandhigga meydadkii Alshabaab ee weeraray Jaamacadda Gaarisa

Afar meyd oo la sheegay inay ahaayeen dableydii weerartay Jaamacadda Gaarisa ee sababtay dilka 148 ruux oo u badan ardaydii Jaamacadaasi ayaa lagu soo bandhigay galabnimadii shalay Dugsiga hoose dhexe ee Gaarisa taasoo keentay in dadweyne fara badan isugu soo baxaan si ay u arkaan meydadka.

bandhig01

[ad name=”HTML-2″]

Xaaladda ayaa is bedeshay markii dadweynihii qaarkood dhagxaan ku bilaabeen meydadkii Alshabaab, isla markaana dadka isugu soo baxay ay tira dhaafeen. Dableyda meydka ahayd ayaa la sheegay inay qaawanaayeen lamana oga sababta booliska Kenya ku kaliftay inay tallaabadaasi qaadeen.

Meydadka oo lagu siday gaari bannaan ayaa laga soo qaaday isbitaalka Gaarisa, balse markii xaaladu isu bedeshay mid khatar ah ayay boolisku la carareen meydadkii oo dib u celiyeen iyadoo dadweyne fara badan ay daba yaacayaan oo lagu sigtay inay meydadkii la wareegaan, waxaana jiray dad is jiiray oo dhibaatooyin soo gaareen. Dadka qaarkood ayaa sawiro ka qaadanayay meydadka.

bandhig03

Sarkaal ka tirsan Booliska Gaarisa ayaa ku dooday in ujeedkoodu ahaa in dableyda ka dambeysay weerarka Gaarisa la aqoonsado, taasina ay socon weyday markii dadweynuhu soo bateen. Xaaladda ka dhalatay  meydadka la soo bandhigay ayaa Gaarisa gelisay xaalad cakiran.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON