Friday, July 4, 2025

Xaalad Naxdin leh oo ka taagan Isbitaal Martiini. (Daawo: Ogsijiin la’aan ayuu u dhintay Khaliif Muumin)

Waxaa si weyn looga deyrinayaa xaaladda Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo dowladda Soomaaliya ay u diyaarisay inuu qaabilo dadka uu soo rito cudurka Coronavirus, iyadoo ay laba qof ugu dhinteen cudurka markii loo waayey qalabkii ay u baahnaayeen.

Isbitaalka oo aan u diyaarsaneyn inuu qaabilo bukaannada Covid-19 ayaa la sheegay inay ka howgalaan dhaqaatiir kooban iyo kalkaaliyeyaal, iyadoo aanu oolin qalabkii muhiimka u ahaa dadka heerkoodu halis gaaro ee qaba coronavirus, una baahan in neefta laga saacido oo lagu xiro Oxygen.

Xaaladda naxdinta leh e ka taagan isbitaal Martiini oo dad qaarkii ku tilmaameen ‘Goobtii Geerida’ waxaa ka hadlay xildhibaan hore Xuseen Maxamed Gaagaale oo ay qaraabo ahaayeen Marxuum Khaliif Muumin Tooxow -wasiiru dowlihii cadaaladda Hirshabelle- oo halkaasi ugu geeriyooday cudurka Coronavirus, wuxuuna wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ka sheekeeyay xaaladda dhabta ah ee ka jirta iyo wixii uu kala kulmay Isbitaalka Dowladda ee Martiini.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxaa kaloo arrintan ka hadlay Ibraahim Xabeeb oo xildhibaan iyo wasiir hore usoo noqday, isagoo wareysi siiyey Universal TV, wuxuuna sheegay in sbitaalka Martiini aanay wax adeeg ah oolin, dowladuna ay wax ka qabto arrintan inaan dad kale ku dhiman.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON