Xaalad cakiran ayaa ka jira caasimadda Muqdisho, iyadoo maanta la filayey in la qabto Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, iyadoo caqabado badan ay wajahayaan xildhibaannada iyo Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka.
Ciidamada Booliska ayaa saaka la dhigay irdaha laga galo garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Afisyoone, iyadoo u diiday Xildhibaannada iyo saxafiyiinta inay galaan Teendhada Afisyoone.
Xildhibaanno yar oo ku sugnaa gudah Garoonka ayaa tegay Hoolka, waxaa kaloo ciidan xoog leh ku galay Xildhiaannada Mahad Salaad iyo C/saabir Shuuriye, halka Xildhibaan Maxamed Jacfar uu xilli hore iska xaadiriyey Goobta, waxana xilligan ay xildhibaannada goobta ku sugan ku dhow yihiin 30.
Waxaa Teendhada Doorashada gaaray Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada oo goor dhoweyd sheegay in Doorashadu ay dhaceyso, waxayna ku booriyeen xildhibaannada inay hoolka xaadiraan, lana furay wadooyinkii.
Ra’iisal wasaare Rooble oo saaka Muqdisho ku soo laabtay, Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashda Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa ku adkeysnaya inay maanta dhacdo doorashada xilli kasta oo ay qaadato.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla oo ka mida xubnaha ugu dhow Ra’iisal wasaarhaa ayaa farriin kooban oo uu diray ku yiri: “Doorasho oo kali ah insha allaahWar kale haku daalin”, waxaa kaloo xarunta Afisyoone ku sugan Afhayeenka xukuumadda xildhibaan Maxamed Ibrahaim Macalimuu.
Dhinaca kale taageerayaasha Farmaajo oo ay ka mid yihiin Talisyada Booliska iyo Nabadsugidda ayaa fulinaya qorshe kata oo ay ku baajin karaan in doorashadu dhacdo ama laga reebo xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq.
Ma cadda in jawiga ka jira caasimada iyo Afisyoone ay ku dhici karto doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, waxaana socda dadaalo ay wado beesha caalamka si arrintan looga gudbo, loogana hortago isku dhac.
