Friday, June 27, 2025

Xaaska Donald Trump oo magdhow 150 Milyan ka dalbatay Warbaahin ka faafisay fadeexad

Xaaska Donald Trump ayaa dacwad ku soo oogtay wargeys Ingiriis ah iyo website Mareykan ah iyadoo ka dooneysa lacag magdhow ah.

Melania Trump waxay dooneysaa lacag gaareysa 150 Milyan oo doolar sida uu sheegay Qareenka ay qabsatay oo dacwad ku soo oogay wargeyska Daily Mail iyo Blog Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Webster Tarpley.

Xaaska Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha Mareykanka waxay dacwad ka qabtaa war laga qoray oo ku saabsan inay ahayd haweeney jirkeedka ka ganacsata sanadkii 1990-kii.

Xaaska TrumpQareenka Melina ayaa sheegaya in labadaas warbaahin ay dib u bedeleen wararkii ay ka qoreen xaaska Trump, ayna geysteen sharaf dhac iyo been nuur ay ku dhaawaceen shaqsiyadeeda, waxaana dhaawaca gaaray sumcadeeda lagu qiimeeyay 150 Milyan Doolar.

Melina ayaa ah 46 sano jir ku dhalatay Slovenia oo Mareykanka u wareegtay sanadkii 1990 iyadoo markaas ahayd Model, waxayna is guursadeen Donald Trump Sanadkii 2005. Waxaana hore looga faafiyay sawiro iyadoo qaawan ay isu bandhigtay.

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON