Thursday, April 25, 2024

Xabaal-Qode reer Hargeysa ah oo ka hadlaya Mucjisooyinkii soo maray ‘Meydad Dib usoo noolaaday xilligii..”

Nin muddo ka badan 30 sano xabaal qode ka ahaa magaalada Hargeysa oo ka howlgala Qabuuraha Masallaha Galbeed ee magaalada Haregysa ayaa wareysi lala yeeshay uga hadlay mucjisooyinkii soo maray.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil Guuleed (Jacfaan) ayaa sheegay in waxa ugu badan ee uu usoo joogay ay tahay dad meyd ahaan loo keenay oo soo noolaaday, sida:

1- Qof iyadoo meyd ahaan loo soo wado soo toosa

Ad

2- Meyd isagoo lagu tukanayo soo toosa oo dadkii ku tukanayey eryada

3- Qof meyd ah markii laga dalbaday inuu God u qodo lagu soo wargeliyey inuu nool yahay

4- Iyo Mucjisooyin uu ku arkay dad dib loo aasay oo Qabuuro hore laga soo wareejinayey.

- Advertisement -

Arrimaha mucjisada ah ee uu arkay Qabri-qode ayaa waxaa ka mid ahaa inay Xabaal qodeen, markii Meydkii la keenay uu qabrigii dibadda usoo saaray, markii meydkii la gelin lahaana ay xabaashii yaraatay ee oo kor usoo saartay.

Qisada kale ee la-yaabka leh waxay ahayd in Nin Mey ah oo lagu tukanayey Salaadu janaazadii uu sare kacay meydkii, dadkiina ay kala cararreen, ninkii meydka loo maleeyayna uu dadkii ka daba cararrayey isagoo qof ka mida dadkii la socday meydkiisa ka qaatay Go’ shaal ah, sidaasina ku xirtay oo magaaladii ku laabtay.

Qabuurihii Xalane ee duleedka hargeysa eedib loo fagay ee dib loo aasay ayuu sheegay inuu dadkii qabuurahaasi hore loogu aasay ku arkay: Meyd aan isbedelin oo sidiisii u yaalla iyo Meyd aan waxba iska bedelin oo xitaa Karfantiisii ay sideedii tahay.

Wuxuu intaas ku daray in arrimaha uu arkay meydadka dib loo aasay ay ka mida haayeen Meyd dhankii loo dhigay kasoo jeestay oo iska riixaya wixii la dul saaray, sida inuu dib usoo noolaaday.

- Advertisement -

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON