Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa beeniyay jiritaanka warqad lagu arkay baraha bulshada oo lagu magacaabayo safiir cusub.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa SONNA u sheegay inay wax kama jiraan tahay warqadaasi oo baraha bulshada la isla dhex marayo.
“Ma jirto wax magacaabis ah oo uu sameeyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ku aadan inuu Xasan Yuusuf Jaamac u magacaabay Safaarada Soomaaliya ee Kenya, waa warqad been abuur ah”Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.
Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanayay baraha bulshada warqado ku qoran dukumintiyo looga been abuuranayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira war-saxaafadeedyo iyo magacaabis.