Monday, June 23, 2025

Xaflad lagu soo dhoweeyay Xayiraadii laga qaaday Shirkadii Barakaat oo ka dhacday Muqdisho.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana loogu dabaal degayey xariyaraadii ay dhowaan waaxda maaliyadda ee dalka Maraykanka ka qaaday shirkaddii Al-barakaat ayaa lagu qabtay hoolka xafladaha ee hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Xafladan oo ay soo xaadireen masuuliyiin badan oo iskugu jira kuwa dowladda, maamulka shirkaddaha, Ganacasato iyo odayaasha dhaqanka, culimaaudiin iyo qeybaha kale ee Bulshadda ayaa lagu amaanay talaabada uu Mareykanka xayiraada uga rogay shirkada Barakaat oo xayiraadda la saaray sanadkii 2002; kadib markii lagu eedeeyay inay taageero siiso ururadda argagixisada.

Guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo kamida masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeysay sida ay dadka soomaaliyeed shucuurtooda u muujiyeen markii xayiraada la saaray shirkada.

Ad

Sheikh Cali Maxamuud Wajiis oo ka mida culimadda Soomaaliyeed ayaa u rajeyay maamulka shirkadda Al-Barakaat in ay horumar la taaban karo markale gaarsiiyaan umadda soomaaliyeed

Gudoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xaflada kalmad kooban ka jeedisay ayaa tilmaantay inay ku faraxsan tahay xayiraadda laga qaaday shirkadda Barakaat.

Gudoomiyaha Shirkadda Barakaat Sheikh Axmed Ali Jamcaale ayaa sheekeeyay garab istaagii ay u sameeyeen dadka Soomaaliyeed kadib go’aankii ay dowladda Maraykanku xayiraada ugu rogtay shirkaddaha Barkaat iyo wixii ka dhashay.

- Advertisement -

“Waxaan ka dardaaramayaa haddii aan Soomaali nahay inaan is cafino, kuna dhaqanno diinta islaamka, iyadaa xal inoo ah.. waxaan soo jeedinayaa in la maalgeliyo wadanka, loona jeesto wax-soo saarka sida xoolaha.. ” ayuu yiri Guddoomiyihii Shirkadda Barakaat Sheekh Axmed Nuur Jimcaale oo caddeeyay in haddii la helo mag-dhowga shirkadda Barakaat aanu Hal Doolar ka qaadan doonin ee looga shaqeyn doonaan maslaxadda umadda oo kaliya.

Gudoomiyaha ururka Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in asagu uu goobjoog ka ahaa dhamnaan dhacdooyinkii dhacay xiligii shirkadda xayiraad la saaray isla markaana uu xiligan aad ugu faraxsan yahay inay dib u helaan xoriyadoodii ganacsi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON