Dib u dhac ayaa ku yimid war-murtiyeed la filayay inuu ka soo baxo shirka Madasha Qaran ee Madaxda Soomaalida oo muddo saddex maalmood ah ka socday Magaalada Baydhaba.
Galabta ayaa lagu waday in shirka la soo gabagabeeyo, waxaana goobta iska xaadiriyay saxafiyiinta, laakiin goor dambe ayaa loo sheegay in dib u dhac ku yimid shirka.
Qodobada laga soo saari lahaa waxaa ka mida qaabka doorashada 2016 ku dhaceyso ee lagu dooranayo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka Bilaha Ogosto iyo September.
Madaxda dowladd Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa shirkii ku kala tegay galabta iyadoo aanay wax heshiis ah ka soo saarin, waxaana la sheegay in berito ay go’aamada rasmiga ah soo saari doonaan.
Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in qodobadda qaar la isku mari waayay, siiba kuwa aqalka sare iyo kordhintiisa oo markii hore la isku waafaqsanaa.
Goobjooge.com