Thursday, April 18, 2024

Xaliimo Yarey oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka (Warbixin ku saabsan halis soo wajahday Guddiga)

Guddiga Doorshooyinka oo ka mida  guddiyada Qaran ee dhowaan Baarlamaanku ansixiyay ayaa guddoomiye u doortay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) kadib shir xubnaha guddiga ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo lagu dooranayay guddoomiye guddigu yeesho.

xyarey

Kulanka oo guddigan maanta  yeesheen ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Doorashadan ayaa kasoo horjeeda dadaal loogu jiray in xal loo helo khilaaf ka dhex taagnaa Xaliimo Yarey iyo Khadiijo Cosoble oo labadaba u sharaxnaa jagada guddoomiyaha Guddiga doorashada. Khadiijo Cosoble ayaa maalintii Sabtidii dhaawac jab ah ka soo gaaray lugta iyadoo ku dhacday gurigeeda, waxayna dalbatay in dibn loogu dhigo doorashada muddo 4 maalmood ah oo aanay socon karin, laakiin waxaa muuqata in codsigeedii la diiday

Ad

Halimo-Khadija

Xaliimo Ismaaciil ayaa heysatay taageerada madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo waliba inta badan xubnaha guddiga oo 9 xubnood ka kooban laakiin waxaa laga cabsi qabaa in Khadiijo Cosoble ka biyo diido doorashadan, taasoo khilaaf ka dhex abuurti karta guddigan.

Akhri: Yaa noqonaya Guddoomiyaha Guddiga Doorashada? (Laba haween caan ah oo isku heysta)

Xaliimo Ismaaciil ayaa ah qof  muran badan  ka taagan yahay oo howlaha siyaasadda ku lug lahayd tan iyo xiligii kala guurka iyadoo xulistii xildhibaanada Baarlamaanka ay dhibaato weyn ka abuurtay markii ay diiday xildhibaanadii hore u ahaa hogaamiye kooxeedyada oo markii danbe cod loo qaaday. Waxay kaloo guddoomiye ka ahayd guddigii farsamada ee maamul u sameynta Galmudug oo mar ay dhacday in ergo shirka ka mida ay gacan ula tagaan.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaan taageero weyn u heynin, iyadoo ahayd xubintii ugu codka yareyd ee guddiga markii Baarlamaanku u codeeyay xubnaha gudigga kamida, waxayse ku badbaaday olole ay galeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha. Sidoo kale maamulada dalka ka jira ayaa ka horjeeda doorka siyaasadeed iyo isbaheysiga kala dhaxeeya madaxweynaha iyo kooxdiisa.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON