Monday, August 4, 2025

Xaliimo Yarey oo sheegtay inay xaalad Xabsi Guri ah ku jirto Magaalada Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka  Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yarey” ayaa beenisay in la sii daayey, waxayna caddeysan inay xabsi guri ku jirto magaalada Dhuusmareeb.

Iyadoo la hadashay Warbaahinta ayay sheegtay inay weli ku xiran tahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ee Soomaaliya oo shalay galabnimadii ay ka qabteen maleeshiyada Ahlu suna xilli ay kolonyo ay la socotay dhinaca Guriceel kasoo galeen magaalada.

Xaliimo yarey ayaa sheegtay in iyada iyo xubnaha la socda dadaal loogu jiro sidii loo sii deyn lahaa, ayna socoto waanwaan ku saabsan arrintooda. Ahlu suna oo dhowaan isu bedeleysa Galmudug ayaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ku heysata inaysan wax xiriir ah lasoo sameyn oo aysan ka warheyn ujeedkeeda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON