Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaciil Ibraahim ayaa ka hadashay mustaqbalka Guddigeeda iyo guddiga cusub ee Doorashooyinka oo uu dhowaan ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxay sheegtay in Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh ee diyaarinaya doorashada 2016ka ay yihiin guddi xaaladan looga gudbayo, laakiin Gudigooda uu yahay Guddi Qaran oo diyaarinaya doorashad dalka ka dhaceysa 2020ka ee qof kasta codkiisa dhiibanayo (Hal Qof iyo hal Cod).
“Guddiga ay Madasha dhiseen waa Guddi la mida Guddigii doorashada ee 2012-kii la dhisay oo aan anigu guddoomiyaha ka ahaa” ayay tiri Xaliimo Yarey oo ku doodeysa in Guddiga ay madaxda ka tahay uu sii shaqeyn doono ilaa 2020-ka.
Guddiga Doorashada Qaran oo baarlamaanka Soomaaliya ay dhiseen una codeeyeen ayaa shaki la gelinayaa inay sii jiri karaan marka la dhiso dowladda cusub, taasoo ay u badan tahay in baarlamaanka cusub labadiisa aqal ay meesha ka saaraan.
Goobjooge.com