Thursday, July 17, 2025

Xaliimo Yarey: “Shaqadii Guddiga Doorashooyinka waxaa la wareegay Shaqsiyaad (Madasha Qaranka)..”

Guddiga doorashooyinka Qaranka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka Xaliimo Maxamed Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa baarlamaanka Soomaaliya maanta hor tegay iyagoo ka hor caddeeyay in howshoodii Dastuuriga ahayd lagala wareegay oo si sharci darro ah ay shaqsiyaad u qaateen, waxayna Baarlamaanka ka codsadeen inuu arrintaasi tallaabo ka qaado.

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo maanta Baarlamaanka uga jawaabay su’aalo ku jira warbixinta Afar Biloodka ah ee Guddiga doorashooyinka oo maalmo ka hor Baarlamaanka loo qeybiyay ayaa farta ku fiiqday Madashada Qaranka ee Wadatashiga.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka (Xaliimo Yarey) waxay cabashadeeda ku soo beegantay iyadoo baarlamaanku guddi u magacaabay arrinta Madasha oo ay jirto diidmo weyn oo xildhibaanada baarlamaanka ay wadaan.

Sidoo kale Guddiga Arrimaha Guddaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa asna dhankiisa qiray in ay jirto Faragalinta Guddoomiyaha Guddiga ay sheegtay  loona baahan yahay in wax laga qabto oo Qaraar laga soo saaro Arrintaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON