Sunday, July 13, 2025

Xarkada Alshabaab oo War kulul kasoo saaray Weerarkii Bariire & Wasiir Yariisow

Xarakada Al-Shabaab ayaa War kasoo saartay Weerarkii Bariire ee dadka badan lagu laayay, iyadoo tacsi u dirtay dadka la dilay.

Guddoomiyaha (waaliga) Sh/hoose  ee Alshabaab Sheekh Abuu Usaama ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii uu sheegay inay Mareykanku gumaadeen iyo guud ahaan dadka muslimiinta ah ee ka xanuunsan dhacdadan foosha xun.

Sheekh Abuu USaama ayaa sheegay  in gumaadku shacabka Soomaaliyeed uu ahaa mid muddo sannado ah soo jiitamayay laakin ay hadda ku cusub tahay in lasii laba jibaaray iyo dowlad markii shacab la laayaba ku tilmaameysa in Al-Shabaab la laayay soona dhoweneyso.

10 Civilians Killed in Joint US-Somali military Raid

Waaliga Alshabaab ee Sh/Hoose ayaa wax laga yaq-yaqsoodo ku tilmaamay wararkii dowladda kasoo baxay ee ku aadanaa qadiyaddan Bariire, gaar ahaan war-saxaafadeedkii Injineer Yariisow kasoo baxay ee lagu sheegayay in weerarkii Bariire lagu laayay rag Shabaab ah iyo sida ay taliyaashii war-saxaafadeedka ku jiray markii dambe u inkireen warka Dowladda Federaalka una sheegeen in dadka la gumaaday ay yihiin marras aan waxba galabsan, arrintanna waxay ku dhacday sida uu waaliga sheegay kadib markii dhacdadu qarsoomi weysay meydadkiina la geeyay magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON