Monday, June 23, 2025

Xarun Qaabilsan Cilmiga Xiddigaha oo shaacisay Maalinta ay ku beegan tahay Ciidul fitriga Sanadkan

Xarunta Cilmiga Xiddigiska ee caalamiga ee fadhigeedu yahay Dubai ayaa shaacisay maalinta ay ku beegan tahay Ciidul Fitriga sanadkan 1439H ee dhammaadka bisha Ramadaan.

Xarunta ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maalinta koowaad ee Bisha Shawaal (Soonfur) ay ku beegan tahay Jimcaha 15-ka June 2018 oo inta badan dalalka Muslimka laga arki doono bisha Soonfur, lagana ciidi doono Jimcaha.

Dhalashada Bisha Shawaal ayaa la sheegay in habeenka Khamiista ee Jimcaha soo galeyso oo Ramadaanka ku beegan yahay 29 lagu arki karo bisha iyadoo la adeegsanayo Qalabka Telescope-ka ama dadku ay si dhib leh indhahooda ku arki doonaan inta badan dalalka islaamka marka laga reebo dalalka Galbeedka fog ku yaalla.

Ad

Bisha Shawaal ee Soonfur ayaa la sheegay in maalinta Khamiista ee 15-ka June ay Qoraxda kadib maqnaan doonto magaalooyinka sida soo socota: Muqdisho, Khartoum iyo Triboli: 46 daqiiqo, Jabuuti iyo Tunis: 45 daqiiqo,  Sanca, Yeman: 44 daqiiqo. Qaahira 43 daqiiqo, Riyaad, Cammaan iyo Qudus 42 daqiiqo, Beyrut, Dimishiq Manama iyo Abu dhabi: 41 daqiiqo.

Iyadoo bisha Ramadaan ee hadda socota qeybo ka mida dalalka Waqooyiga Mareykanka iyo Yurub laga soomay Arbacadii 16-ka May taasoo ku beegan in khamiista 15-ka June ay u noqoto 30 ayaa si weyn loo saadaalinayaa in Jimcaha 16-ka June ay noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul fitriga sanadkan 1439H.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON