Wednesday, July 16, 2025

Xasan Sheekh: “Ciddii carqalad ku ah maamulka Hiiraan & Sh-Dhexe waa idinka celineynaa..”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa magaalada Jowhar ka jeediyay jeediyay khudbad ku saabsan dardar gelinta maamul u sameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Labadan gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe waxaan rabaa inay taladooda gaaraan waqti badan ayaa ka dhumay, waa inaad meel fariisataan oo go’aan gaartaan ” ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay inaan la dhageysan dacaayadaha  dadka cabsida qaba ee u xirxiran iyo kuwo kale oo caqliga ka xumaaday oo guusha u arka guuldarro.

“Labadan gobol waa inay dhistaan maamulka ugu sahlan waqti gaaban, dowladana waxa ay diyaar idinla tahay inay gacan idin siiso” ayuu u sheegay ergada shirka iyo odayaasha dhaqanka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Wuxuu si cad u sheegay in ciddii carqalad idinku ah oo nabaddiid ah ay qabaneyso dowladda, balse go’aanka ay leeyihiin waxgaradka dadka labada gobol oo heshiis gaara, kana mid noqda federalka.

Wuxuu ugu baaqay dadka ka maqan shirka Jowhar inay ka soo qeyb galaan wixii ay qabaan oo cabasho ahna ay gogasha ku soo bandhigaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON