Monday, June 23, 2025

Xasan Sheekh: “Ciidanka dowladda ayaa weerar kusoo qaaday Hotelka aan sugannahay Aniga iyo Sh. Shariif”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo dagaal iyo dhiig daadin, markii weerar lagu qaaday Hotel ay degan yihiin.

“Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga & madaxweynihii hore Sharif Sheekh Ahmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan..” ayuu yiri oo farriintan soo dhigay baraha bulshada.

Arrintan ayaa ka danbeysay rasaas xoog leh oo ka dhacday agagaarka Daljirka Dahsoon iyo Hotelka Maa’ida, waxaana la sheegay inay goobahaasi weerarreen ciidamada Gorgor ee Kumaandooska Milateriga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON