Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasn Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ayaa si aan la fileyn u baab’iyay qoondadii haweenku ku lahaayeen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya kadib markii ay xilka ka qaadeen laba ka mida wasiirada haweenka ahaa ku jiray xukuumadda, kuna bedeleen laba wasiir oo rag ah.
Arrintan ayaa soo baxday xilli ay balanqaadeen in qoondo dhan 30% laga siin doono haweenka golayaasha Baarlamaanka ee la dhisi doono markii ay Baydhaba kula kulmeen guddi qaabilsan qoondada haweenka iyo wakiilada Beesha Caalamka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa hadda waxaa ku soo haray hal wasiir oo haween ah.
Xil ka qaadista Wasiiradii Waxbarashada iyo tacliinta Sare Khadra Bashiir iyo Wasiirka caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan waxay lama filaan ku noqotay haweenka iyo dadka u dooda xuquuqdooda, waxaana ay ku soo beegantay xilli Madasha laga sugayay go’aano masiiri ah oo ku saabsan qaabka doorashada dalka loo galayo xilligan kala guurka ah, waxaana muuqata in madaxda Madasha ay Baydhaba u tegin oo kaliya arrimaha doorashada dalka.
Goobjooge.com