Monday, June 23, 2025

Xasan Sheekh & Dhuusamareeb: Qorshaha Madaxweynaha iyo caqabadaha horyaalla

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee  xarunta Gobolka Galgaduud, isagoo hogaaminaya wafdi ka tirsan labada gole si uu xal ugu helo dhibaatada ka soo foodsaartay maamul u sameynta gobollada Dhexe oo khilaaf ba’an ka taagan yahay.

odayaasha-dhu

Waxaa wafdiga madaxweynaha  si diiran loogu soo dhoweeyay Dhuusamareeb, waxaana ka sii horeeyay madaxweynaha  wafdi kale oo hordhac ahaa ayna ka mid yihiin ciidamo u gaara ammaankiisa oo Muqdisho ka tegay. safarkan ayaa ka dambeeyay war-murtiyeed ah soo saareen odayaasha shirka uga socday Dhuusamareeb oo sheegay inay shirkii dib u heshiisiinta soo gabagabeeyeen, ayna isla dhuusamareeb ka fureen shirkii maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo madaxweynaha ay ka go’an tahay in lagu furo Degmada Cadaado.

Ad

[ad name=”HTML-2″]

Akhri: Shirkii Dhuusamareeb oo isu bedelay shirweynaha maamul u sameynta G/Dhexe & Madaxweynaha oo xiraya Shirkaasi (Dokumenti & Faahfaahin)

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo adag la qaato odayaasha ku sugan Dhuusamareeb iyo guddiyada farsamo ee maamul u sameynta gobollada dhexe, isagoo madaxweynuhu ku adkeysanayo in shirkaasi uu soo xiro shaqsiyan, kadibna ku dhawaaqo in guddiyada shirarkaasi jooga ay tagaan degmada Cadaado.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladiisa waxaa caado u noqotay KA-DABA TAG SIYAASADEED oo ay ku fashilantay inay hogaanka u qabato shirarka iyo qorsheyaasha maamul u sameynta gobollada waxayna ku soo baraarugtaa xilli danbe iyadoo ka daba qeylinaysa go’aano ay gaareen shirar dadka degaanada qaateen, sida shirarkii Kismaayo iyo Baydhaba oo madax lagu doortay iyadoo dowladda Federaalku ay far u taagan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xildhibaano uu doonayay inay safarkiisa Dhuusmareeb ku wehliyaan ay ka baaqsadeen ayaa laga sugayaa sidii uu guul uga keeno odyaasha shirka Dhuusamareeb ku sugan oo shir albaabada u xiran yihiin uu kula jiro caawa oo dhan.

Goobjooge.com

Muqdisho

- Advertisement -

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON