Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ee sida weyn uga horjeeda hoggaanka dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan ugu tegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada siyaasi oo ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha kula tartamay madaxweynaha xilka haya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ka wadahadleen dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo, sida uu sheegay C/raxmaan C/shakuur.
“Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaan ka wadahadalnay xaalada dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo. Kulankeena wuxuu ku soo idlaaday isfaham iyo iskaashi.” Ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur warsame oo qoraal bartiisa Facebook soo dhigay.
Kulanka Xasan Sheekh oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka federaalka iyo C/raxmaan C/shakuur ayaa imaanaya kadib kulan dhowaan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh.
C/raxmaan C/shakuur oo cadaadis weyn kala kulmay dowladda Farmaajo kadib markii ciidamada NISA ay weerarreen Gurigiisa ayaa sheegay in kulankii uu la yeeshay Xasan Sheekh ku soo dhammaaday inay iskaashadaan.